Kasmo West Midlands
21 May- Birmingham (Kasmo); Magaalo madaxda labaad ee UK, Birmingham ayaa 2dii bilood ee ugu dambeeyey, Wargeyska Kasmo joogto looga helayey, waxaana Birmingham noqotay xarun labaad ee uu leeyahay Wargeyska Kasmo.
21 May- Birmingham (Kasmo); Magaalo madaxda labaad ee UK, Birmingham ayaa 2dii bilood ee ugu dambeeyey, Wargeyska Kasmo joogto looga helayey, waxaana Birmingham noqotay xarun labaad ee uu leeyahay Wargeyska Kasmo. Markii ugu horreeyey, Kasmo oo Toddbaadle ah, ayaa magaalada lagu soo bandhigay, iyadoo munaasabad weyn -12kii Abriil 2008 - halkaas looga dhawaaqay in “Kasmo Toddobaadle’ noqday.Mar kale ayaa maanta, laga bilaabo 22ka May 2008, magaalada Birmingham iyo Soomaalida ku nool waxaa sharaf u ah in qayb cusub lagu kordhiyey Wargeyska, waa ‘Kasmo West Midlands’, isagoo isku mar ka soo baxaya London iyo Birmingham.Wargeysku wuxuu ka tarjumaa himilada jaaliyadda Soomaaliyeed ee carrigan ku dhaqan, wuxuuna soo gudbinayaa wararka iyo dhacdooyinka gobolka ‘West Midlands’ oo ay ku jiraan Leicester, Northampton, Coventry, Birmingham iyo magaalooyin kaleba. Markaas, Kasmo West Midlands waxaa looga fadhiyaa inuu daboolo baahida dhinaca saxaafadeed ee Soomaalida West Midlands. Isla markaas, wuxuu soo dhoweynayaa afkaarta, qoraallada, talooyinka, maqaallada, wararka, xayeysiinaha, hambalyooyinka, dhalashooyinka, tacsiyaha iyo dhaammaan arrimaha nolosha, dhaqaalaha, ganacsi iyo bulshaba saameeya.Waxbarashada, dhaqanka suuban, caafimaadka iyo isboortiga, Wargeysku wuxuu siinayaa gacan, wuxuuna xoojinayaa ururinta iyo keydinta daraasadaha laga sameeyo jaalliyadda Somaaliyeed ee West Midlands.Nabadgelyada, xuquuqda iyo sharciyada UK, go’aamada dawladda iyo wararka muhiimka ah ee UK, Somalia iyo Dunida kaleba, Kasmo ayaad kala socon doontaan.Kasmo West Midlands.



