Muqdishu oo dagaaladu sii xoogeysayaan iyo Rasiilu-wasaaraha oo sheegay in ammaanka xildhibanada la sugi doono
Shir jaraaid ayuu wasiirka koowaad ku sheegay in amniga xildhibaanada la sugi doono.
Wasiirka Koowaad ayaa sheegay in wasiirka amniga Axmed Cabdisalaan soo bandhigay qorshe lagu sugayo amniga xildhibaanada DFKM ah ee ku nool hotelo aan ka fogeyn madaxtooyada, Hase ahaatee dagaalada Muqdishu ka socday ayaa sii xoogeysanya, iyadoo maanta si xoog ah loo riixay ciidanka dowlada iyo kuwa ay isbahaystaan ee la baxay Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ). Isgoyska dabka ayaa la isugu geeyey ciidanka dowlada iyo kuwii ASWJ, waxaana markaas biloowday madaafiicdii AMISOM oo u dhacaysay dhanka Alshabab kasoo jeedeen ee Bakaaraha.
Inta badan waxaa la qirsan yahay in dhimashada iyo dhaawacuba ay ku dhacaan shacabka, ee ay yar tahay qasaaraha soo gaara dhinacyada dagaalamaya, waxayna mar waliba dhinacyadu kala sheegtaan guulo aan la arag ama ishu qabaneynin.
Waa maalintii Shanaad ee dagaaldu si joogto ah u socdaan Muqdishu.
Ciidamo Ethiopian ah
Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay soo galaan isgoyka kala beyrka ee wadadda isku xirta Hiiraan iyo Galguduud, abaabul culus ayayna bilaabeen ururka Alshabab ciidankooda jooga Beletweyne si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaq ciidanka Ethiopia ee Kala Beyrka. Meles Zanawi ayaa horey ugu yaboohay in uu ciidankiisa u diri doono Soomaaliya haddii AMISOM iyo dowlada laga awood roonaado, si uu uga fujiyo Alshabab qaniinyadooda.
Addis ababa
Todobaadkii hore ayey ahayd markii wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Amniga iyo xubno ka socda Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ) ay kulan ku yeesheen Addis Ababa, kulankaasi oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qabqablayaal hore oo uu ka mid yahay Col Barre Hiiraale, ayey dowladu sheegtay in kulankaasi lagu xalinayey khilaafka dowlada iyo ASWJ.
Laakiin xoggo hoose oo soo baxayey ayaa sheegaya in shirkaasi lagaga wada hadlay abaabulo kale oo la doonayo in weeraro lagu qaado Alshabab.
Abdirizak M. Diriye
Kasmo Online




