Kenya oo u dabaaldegtay dastuur cusub oo uu dalku yeeshay
Dabaaldeg ballaaran ayaa maanta ka dhacay guud ahaan wadanka Kenya.
Maanta oo jimce ahayd waxaa wadanka Kenya ay ahayd maalin faysto ah oo loo dabaal dagayey dastuur cusub oo uu wadanku qaatay. Beerta xoriyada ee UHURU PARK ayaa maanta la isugu yimid si loogu dabaaldago dastuurka cusub ee wadanka Kenya qaatay. Aftida dastuurka ayaa la qaaday 4tii Bisha iyadoo si aqlabiyada ah dadku Haa ugu codeeyeen.
Dastuurkan ayaa la sheegay inuu wax badan ka badali doono xaalada wadanka Kenya gaar ahaan hor umarka dhaqaalaha iyo xoriyada dadka.
Madaxda wadamada dersika ayaa kasoo qeyb galay oo iyagu lagu marftiqaaday munaasabada dabaal dagga, waxaana yimid, Madaxweynaha Ugandha Museveni, Madaxweynaha Suudaan Albashir, Madaxweynaha Rwadan Kigame, Madaxweynaha Zanzibar. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Ghana John Kifour ayaa goob joog ka ahaa munaasbada.
Si aad ah ayay xaflad uga soo qeyb galaan wadaniyiinta reer Kenya magaalda Nairobi. Madaxweynaha, Raiisul wasaaraha iyo Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya ayaa maanta fagaaraha xoriyada lagu dhaariyey dastuurka cusub. Sidoo kale dhamaan xildhibaanada ayaa mar kale dib loogu dhaariyey sharciga cusub ee dalku qaatay. Gobolada dalka Kenya ayaa iyagana laga abaabulay munaasabado loogu dabaaldagayey dastuurka Cusub. Dadka Kenya ayaa ay wajiyadooda ka muuqatay farxad, waxayna dareemayaan in waa cusub u baryey.
Abdirizak M Diriye
Kasmo On Line




