Xildhibaanno, saraakiil iyo dad rayad ah oo lagu dilay Xamarweyne iyo Dagaalka Muqdisho oo galay maalintii 2aad
Xildhibaanno, saraakiil iyo dad rayad ah oo lagu dilay Xamarweyne iyo dagaalka Muqdisho oo galay maalintii 2aad
Ugu yaraan 10 Xildhibaan ayaa ku dhintay weerar maanta -24 August- gelinkii hore lagu qaaday Hotel Muuna ee Degmada Xamar weyne. Halkaas oo ay deganaayeen xildhibaanno badan, saraakiil dawladeed iyo ganacsato.
Waxaa lagu soo waramayaa in halkaas ay ka dhacday dhimasho badan iyo dhawaac, weerarkaasna waxaa fuliyey Ururka Ashabaab oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay qaadeen dagaal ballaaran oo ay doonayaan in ay ku qabsadaan Muqdisho, meeshana uga saaraan Dawladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM.
Dableey ilaa 3-qof ah, isla markaasna soo lebisatay dharka ciidamada ayaa xoog ku galay, ka dibna rasaas la dhacy qofkii ay arkaanba, ugu dambeysna isku dhex qarxiyey Hoteelkii. Waxaana halkaas ku dhintay, sida la soo weriyey ilaa 10-xildhibaan, waxaana jira qaar dhaawacyadooda loo qaaday isbitaalada. Waxaa kaloo wararku sheegayaan in ilaa 19 sarkaal oo dawladeed iyana halkaas ku dhinteen, iyadoo ay jiraan dad rayad ah oo iyana ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka Xarakatul Ashabaab Mujaahiddiin.
Dhanka kale, dagaal weyn oo maalintii 2aad galay ayaa wuxuu ka socdaa qaybo badan oo dhanka waqooyi, galbeedka iyo koofurta magaalada, halkaas oo jiho walba dirir culusi ku dhex marayso ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah, iyo Ashabaab iyo Xisbi Islaam oo dhinaca kale ah, waxaana geerida ilaa shalay dhan tahay ilaa 50-qof, halka tirada dhaawacu gaartay 200-qof, waxaana magaalada ku socda duqeyn aan kala sooc lahayn.
Kasmo Online




