Miineystayaashii Alshabab oo ku baabaya gaaro miino ah oo ay rakibayeen
Miineystayaal Somaali, Pakistani, Algeriaan iyo Hindi isugu jirra ayey qarax ay xirxirayeen laftigoodii ku qarxay.
Ha qaldin, haddaad qaladase, mar danbe ma qaldi doontid ayey ugu maahmaahaan miinada miinaystaashu, maahmaahdani waxay haysataa miineystaashii Alshabab oo ku baaba'ay gaari miino ah oo ay ku rakibayeen meel ay dagan yihiin.
wararka ayaa sheegaya in laga maqlayey qarax aad u weyn xarun ka mid xarumahood, waxaana warku intaas ku darayaa in qaraxaasi uu ahaa mid galaaftay ilaa 10 miineyste, kuwaasoo ku mashquulasanaa gaari ay miino ka buuxiyeen oo ay doonayeen in ay bisha barakeysan awgeed mucjiso ku dhigaan magaalada Muqdisho.
Miineystayaashu wax bay qaldeen (Dabcan fiiloyin) markaasna iyagii laftigooda ayaa ku caroortay miinadii oo ka dibna ku qarxaday, inta aan la geynin goobtii loo qorsheynayey iyo dadkii lo qorsheynayeyba.
10ka ku dhimatay ayaa wasiirka arrimaha guddaha TFG ku kala sheegay sidan, 3 Pakitani ah, 2 Hindi, ah, 1 Algerian, 1 Afganistani, 2 Soomaali ah iyo hogaamiyahoodii oo diyaar u ahaa inuu u duceeyo. Haddii ay kuwan dhintay howshooda wadan lahaayeen laga yaabee in qof aad taqaan ama ehelkaaga ah aya qarxin lahaayeen, Maxaad ka oran lahayd, Alle idiin ma naxariisto, ku baaba,a , blaa balaa blaa, bal soo sheeg.
Abdirizak M. Diriye
Kasmo Online.



Download attachment >>

