Home | Warar | Dagaalkii koofurta iyo waqooyiga Suudaan oo laga baqayo inuu mar kale qarxo

Dagaalkii koofurta iyo waqooyiga Suudaan oo laga baqayo inuu mar kale qarxo

image Jabhada SPLA

Hanjabaado kulul ayey isweydaarsanayaan dowlada Suudaan iyo SPLA

Hanjabaado kulul ayey isweydaarsanayaan hogaamiyeyaasha dowlada Suudaan ee reer waqooyiga iyo kuwa jabhadii ka dagaalami jirtay koofurta dalka ee SPLA oo iminka ku wada jirra dowlada. hanjabaadahan ayaa ka dhashay aftidii la doonayey in ay dhacdo bisha Janaayo ee nagu soo fool leh taasoo loo qaadayo in dadka koofurtu doonayaan in ay kasii mid ahaadaan Suudaan iyo in ay goaan.

SPLA waxay ku eedeyneysaa in xisbiga talada hayo uu doonayo inuu waqtiga aftida dib u dhigo muran la xiriira dhismaha guddiga aftida gaar ahaana xoghayaha guud ee guddiga, iyo weliba guddigaas oo aan weli shaqo bilaabin. Waxay sidaa darteed SPLA ku hanjabtay "Haddii aftida dib loo dhigo in dalku dagaal ku noqon doono" . Nin u hadlay SPLA ayaa sheegay in carada ka dhalata dib u dhigista aftida ay abuuri doonto dagaal mar kale ka qarxa dalka.

Nafie Ali Nafie oo isaguna u hadlay dowlada Suudaan kana mid ah xisbiga talada haya ayaa sheegay haddii ay isku dayaan hogaamiyeyaasha SPLA in ay ku dhawaaqaan madax banaani iyadoo aanay dhicin aftidu in ay arrinkaasi keeni doonto cawaaqib xumo weyn, isagoo ku tilmamaay "ismiidaamin siyaassadeed "Political Suicide". Nafie wuxuu sheegay in ay dowlada ka go,an tahay in aftida waqtigeeda la qabto, inta ka horeysana la xaliyo wixii khilaafaad ah, isagoona ku eedeeyey in SPLA dooneyso in ay iyadu kala goyso wadanka.

Urur goboleedka IGAd ayaa laga codsaday in ay arrinkan dhex galaan. Dagaalka koofurta iyo waqooyiga Suudaan ayaa bilaabmay 1983, waxaana heshiis laga gaaray Janaayo 2005tii, heshiiskaas o waxyaabihii lagu heshiiyey ee muhiimka ahaa ay ka mid ahaayeen in afti laga qaado dadka degan koofurta in ay ka sii mid ahaanayaan Suudaan iyo in ay ka goaan wadanka intiia kale sanadka 2011 Janaayo.

Dalka Suudaan wuxuu xor yahay 54 sanno, waxaana dalka intiisa badan halakeeyey dagaalo sokeeye, kuwaasoo weli ka socda qeybo ka mid ah dalka, waxaana madaxweynaha wadanka Albashir ay maxkamada denbiyada dagaalka ee caalamiga ah kasoo soo saaratay amar ah in la qabto oo la hor keeno maxmada si loogu qaad xasuuqyo ay dowladiisu iyo jabhado ay iskaashanayaa ka geysteen gobolka Daarfuur.

Amarka maxkamadaasi caalamiga ah oo ay ku gacan sayreen ururka Midowga Afrika iyo mid Jaamacada Carabtuba ayaa weli isagu taagan.

Abdirizak M Diriye

Kasmo Online.

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text