Barakacayaasha ku sugan Woqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho oo ku jira xaalad adag
Dadkii ka barakacay Muqdisho, kuna sugan Xeryo macmal ah oo ku yaalla Woqooyiga iyo Koonfurta Caasimadda ayaa haatan ku jira xaalad adag oo bani-aadannimo.
Qoysas Soomaaliyeed oo fara badan oo ku jira Xeryaha ku-meel-gaarka ah ee Woqooyiga iyo Koonfurta caasimadda, ayaa haatan ku sugan xaalad adag oo xagga nolosha ah.
Qoysaskaan oo markoodii hore ka cararay dagaallada ka socda Muqdisho, iyo duqaynta joogta ah ee ay Xoogaggu is-weydaarsanayaan, ayay dantu ku kalliftay inay Aqallo Bushash iyo Jiingado ka samaysan ka dhistaan duleedyada caasimadda.
Wararka ayaa intaas ku daraya inayan qoysaskaan intooda badani ciriiri uga jiraan xagga raashinka, biyaha, daawada iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolosha.
Tan ayaa ku soo beegmaysa xilli la galay bisha barakaysan ee ramadaan iyadoo ayan jirin Alla mooyee, cid kaloo u maqan dadkaan.
Sida la og-yahayna Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul-islaam ayaa joojiyay gargaarkii ay qoysaskani ka heli jireen hay'adaha dawliga ah.
Kasmo Online..




