Maxay Daalibaan Dhegaha iyo Sankaba uga gooyeen Gabadha 18-jirka ah?!
Xoogagga Daalibaan ee Dalka Afganistaan ayaa labada Dhegood iyo Sankaba ka gooyay Gabar 18 jir ah oo u dhalatay dalkaas.
Xoogagga ka dagaallama dalka Afganistaan ee Daalibaan ayaa labada Dhegood iyo Sankaba ka gooyay Gabar ay da'deedu tahay 18 jir oo u dhalatay isla dalkaas, iyagoo ciqaab uga dhigaya.
Daalibaan ayaa sheegaya in Gabadhu gashay dembi, oo ah inay ka soo tagtay (Carootay) Aqalkii Ninkeeda, ciqaabna looga dhigay in laga gooyo Labada dhegood iyo Sanka.
Wargaysyada Dalkaas ayaa sheegaya in Gabadhan oo lagu magacaabo Caa'isha, la guursaday iyadoo aad u da'-yar, nolol adagna ay kala kulantay ninkii loo guuriyay iyo la noolaanshihiisa, taasna ay tahay sababta ku kalliftay inay isaga soo tagto aqalkiisa.
Maxkamaddan xukunkan ku ridday Gabadha yar ayaa ah mid hoos-timaada Qabaa'il, ka tirsan Xoogaga Dalibaanka Afganistan.
Dalibaan ayaa dagaal hubaysan kula jira Dawladda Kabul, taas oo hadda soo jeedisay in ay wada-hadal la gelayso Daalibaan.
Kasmo Online.




