Madaxweyne Barack Obama oo Aqalka Cad ku qaabilay 115 dhalinyaro ah oo laga marti-qaaday Afrika
Madaxweyne Obama oo dhalinyarada Qaaradda Afrika ku qaabilay Aqalka Cad - kulan noociisa ah kii u horreeyey ee ka dhaca Aqalka Cad.
Intii kulankaasi socday, ayaa gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Najma Axmed Cabdi fursad u heshay in ay su’aal weyddiiso Madaxweynaha, iyadoo ku bilowdey “Galab wanaagsan Madaxweyne iyo mudanayaal, magacaygu waa Najma Axmed Cabdi, waxaan ka imid Soomaaliya waxaan halkaan u imid hal su’aal, waxaan ku dhex noolahay dal colaado ka jiraan, dalkaas oo aduunkuna ku wareeray, waxaan ka mid ahay dadka qurba joogta ah ee dalkoodi dib ugu laabtey oo naftooda khatarta u geliyey si ay Soomaaliya uga dhigaan meel wanaagsan, hadaba taageero intee le’eg ayaan ka fili karnaa dalka Maraykanka, ma ahan mid dhaqaale oo keliya,ee taageero sida saaxiib aad u dhaw oo dhegaysta dadka naga mid ah ee naftooda khatar u geliyey si ay u difaacaan bini adaanimada….”Madaxweyne Barack Obama oo su’ashaas ka jawaabey, wuxuu "Waxaan filayaa in aad helaysid taageero badan oo kaaga timaada dalka Maraykanka, marka ay timaado samaysnta maamul u adeega shacabka Soomaaliyeed, taariikhda Soomaaliya 20 sano ee la soo dhaafey waxa uu ahaa mid qalbi jab ah, hadiiba aanu ka sii xumeyn, ma jirto dawladd dhexe oo awood leh taas oo qaban karta hawlaha loo baahan yahay.
Madaxweynaha oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay “….xaaladdu hadda way ka xun tahay oo gobolka dhan waa mid khatar ku jira, sababtuna waa ururada mayalka adag ee Islaamiyiinta ah kuwaas oo xidido ku yeeshay dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka faa’ideysanaya, natiijada dawlad khasaartey, waxayna halkaas ka soo abaabulayaan weeraro sida kii ay kula beegsadeen dalka Uganda…”.
Barack Obama wuxuu sheegay in hadda ay jirto dawlad KMG ah, taas oo samayneysa xoogaa dedaal ah, waa mid aan suurta gal ahayn in sanadahan dhaw Soomaaliya ay ka dhalato dawlad dimoqraadi ah, marka la eego waxa ku wareegsan xaaladda Soomaaliya oo ay tahay in kooxaha iyo qabiilada tixgelin la siiyo, laakiin waxaan samayn karnaa waa in dhalinyarada rasaasta ridaya laga joojiyo si aysan dariiqyada isugu dilin.
Kasmo Online




