Haweeneey u dhalatay dalka Yemen oo umushay wax lala yaabo..!!
Haweeney u dhalatay dalka Yemen, ayaa gobolka Ibb ee Bariga dalkaas ku umushay wax lala yaabo
Haweeney u dhalatay dalka Yemen ayaa Gobolka Ibb ee Dalkaas ku umushay noole lala yaabo, oo cabsi gelinaya dadka.Ninkii qabay Haweeneydaas ayaa raba inuu dilo noolahaas oo weli iska caafimaad-qaba.
Wararka ka imanaya Deegaanka Jibla ee Gobolkaas ayaa intaas ku daraya: in Noolahaasi uu culayskiisu dhan yahay 3 Kg. uuna iska-caafimaad-qabo, oo weliba caga-dhabanayo.
Ninka qaba Naagta umushay Noolahaas, ayaa isagu raba inuu dilo, isagoo ka baqaya fadeexad kaga timaada dadka deegaanka.
Ha-yeeshee Ehelada Haweeneyda ayaa iyagu doonaya in aan la wax-yeellayn Noolahaas, loona dhiibo Culimada ku shaqada leh, si loo ogaado halka uu salka ku hayo, meesha laga dhaxlay.
Dhaqaatiirta deegaankaas ayaa iyagu tibaaxaya: in ay dhici karto in ay sababtu tahay: Haweeneyda oo intii ay uurka lahayd liqday dawooyin aan laga fiirsan, oo iyagu sababi kara xaaladahaan oo kale.
Si kastaba arrintu ha ahaayee, culimada xagga diinta ee Jibla ayaa ku talinaya: in loo hoggaansamo doonista iyo awoodaha Ilaahey gaar ahaan xagga abuurista.
Kasmo Online..




