Kumannaan Dad ah oo ku dhintay Daadad ku soo rogmaday Dalal badan oo Qaaradda Aasiya ah.
Dadka ku le'day Daadadka ee dalalka Qaaradda Aasiya, ayaa guud ahaan gaaraya 1100 qof.
Warar laga helayo Warfaafinta dalka Baakistaan ayaa sheegaya in dadka ku dhintay Daadadkii ku soo rogmaday dalkaas, ayaa ilaa hadda ka badan yihiin 1000 qof.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Dalalka Shiinaha iyo Afganistaan ay iyagana daadadku ku dileen oo la tageen ilaa 100 qof.
Daadadkan ayaa ka dhashay Roobabkii Xilligan oo kale ka di'i jiray Dalalkaas. Waxayna roobabku khasaarooyin lixaad leh u geysteen Dhismayaashii, Jidadkii, Korontadii iyo Buundooyinkii Gobollo badan oo dalalkaas ku yiil.
Malaayiin Hiktaar oo Beero ah, ayna ka bixi jireen Dalagyo kala geddisan oo Gobollo ka mid ah Baakistaan, Shiinaha iyo Afganistaan, ayay Roobabku wax-yeelleeyeen.
Gurmad lixaad leh, oo lagu doonayo in lagu badbaadiyo qoysas ku go'doonsan Gobollo fog-fog ayaa ka soconaya Baakistaan.
Baakistaan ayaa Beesha Caalamka weydiisatay in lala soo gaaro Gurmad degdeg ah.
Kasmo Online..




