111 sano jirkii magaalada Tokyo oo la ogaaday in uu geeriyooday 30 sano ka hor!
Ninkii Tokyo ugu da' weynaa oo la ogaaday in uu geeriyooday 30 sano ka hor!
Dalka Japan, waxaa Boolisku baarayaan arrinka nin ku diiwaan gashanaa in uu yahay kan ugu da' weyn magaalada Tokyo, laguna magacaabo Soken Kato. Wuxuu dhashay 22kii Luuliyo 1899. Sidaas darteedna wuxuu jiri lahaa 111 sano.
Boqol toban iyo kow jir (111) ahaan ayaa xus loo dhigi lahaa. Hase ahaatee, shaki abuurmay darteed, Boolisku waxay xoog ku galeen qolkii Mr Kato. Halkaas oo loogu tegay meydkiisii oo dhar gashan, oo buste la huwiyey. Isla markaasna ay meeshaa wax uga nool yihiin caruurtiisii iyo kuwii ay sii dhaleen.
Markii ay tageen guriga Mr Kato, waxaa la ogaaday in uu dhintay 30 sano ka hor. Markii la weyddiiyey eheladiisa, waxa mudada intaas dhan ay u soo sheegi waayeen Marxuumka dhintay, ayaa waxaa la soo weriyey in ay ku andacoodeen: in uusan isaguba oggolayn in loogu galo qolkiisa, uuna doonayey in uu noqdo wadaad barakaysan (Buddha).
Boolisku waxay hadda baarayaan sababta ay Marxuumka u soo sheegi waayeen, ayna dhici karto in ay lacagtiisii Howlgabka iyo tii xaaskiisa oo iyana geeriyootay, ay isla qaadanayeen, xisaabtii Bankiga uga furnaydna lacag lagala bixi jiray!.
Mr Soken Kato oo qalfoofkiisa la helay 28kii Luuliyo 2010, wuxuu magaalada Tokyo kaga noolaa xaafad lagu magacaabo 'Adachi', waxaana gurigii uu deganaa, qoyskiisii iyo qalfoofkiisiiba hadda ku socda baaritaan lagu ogaanayo geerida ninkii loo haystay in uu jiro 111 sano, kaas oo dhintay 30 sano ka hor. Xilligaas oo ay da'diisu ahayd 81 sano.
C/qaadir Shire, London (UK)




