Home | Warar | Midowga Afrika oo go'aamiyay xoojinta Ciidamadooda jooga Soomaaliya

Midowga Afrika oo go'aamiyay xoojinta Ciidamadooda jooga Soomaaliya

image M.Afrika

Waxaa la kordhinayaa,lana xoojinayaa Ciidamada AMISOM ee jooga dalka, si ay awood ugu yeesheen maquuninta Xoogagga Islaamiyiinta..

Hogaamiyayaasha Qaaradda Afrika oo uu shir-madaxeedkoodu maanta oo talaada ah ku soo gabagaboobayo Caasimadda Ugaandha ee Kambaala, ayaa go'aamiyay in la kordhiyo Tirada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Ujeeddada kordhinta iyo xoojinta Ciidamada Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, si ay karti ugu yeeshaan maquuninta Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ee dagaalka hubaysan kula jira Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka A.Dibadda ee Itoobiya S.Masfin, ayaa Shir-jaraa'id ku sheegay inuu Shir-madaxeedku waafaqay go'aankii dawladaha IGAD ee ahaa in 2000 Askari oo dheeraad ah, degdeg loogu kordhiyo kuwa haatan AMISOM ka jooga Muqdisho.

Ciidan ay tiradoodu gaarayso 6000 Askari oo ka kala socda Dalalka Ugaandha iyo Burundi ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo uu hawlgalkoodu dhaafi kari la'yahay Caasimadda Muqdisho.

Wararka ka imanaya Kambaala ayaa intaas ku daraya in go'aanka la gaaray uu ku jiro in Miizaaniyadda iyo Farsamada Ciidanka AMISOM iyagana la laba-lixaadinayo.

Hoggaamiyayaasha vAfrika ee ka soo qayb-galay Shir-madaxeedkan oo ay tiradoodu ka badnayd 30 Hoggaamiye, ayaa kuwa badan oo ka mid ahi ku baaqay in lala dagaallamo Xoogag ay ku magacaabeen Argagaxiso.

Madaxda Afrika ayaa daqiiqad u aamusay 74 kii qof ee ku dhintay qaraxii Kambaala, kaas oo ay Al-Shabaab sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text