Nin reer Spain ah oo noqday qofkii ugu horreeyey oo weji qof kale lagu rakibo
Dalka Spain waxaa 26kii Luuliyo warbaahinta la horkeenay qofkii 1aad oo weji kaamil ah ee qof kale loo rakibay
Nin reer Spain ah, da'diisuna tahay 31 ayaa markii ugu horreeysay la hor-keenay warbaahinta si uu ula hadlo, una sheego waxa uu dareemayo isagoo weji qof kale ku rakiban yahay.
Ninkaas oo lagu magacaabo Oscar, ahaana sida la sheegay nin beeroleey ah, waxaa xabad isaga laftiisa ka fagatay, ay gebi ahaan ka burburisay wejiga, mar laga joogo 5-sano. Halkaas oo bishii Maarso ee sannadkan, loogu deeqay wejiga qof dhintay, waxaana Isbitaal ay leedahay Jaamacadda Vall d'Hebron University, kuna taal magaalada Barcelona, fuliyeen qaliin ay kula baxeen wejiga qofka dhintay, ka dibna waxay ku rakibeen bukaanka wejiga cusub loo gelinayo, taas oo ku qaadatay 24 saacadood.
April 2010 ayaa weji dhan oo ay ku jiraan: indho, san, af, ilko, daaman, lafo, muruqyo iyo maqaar ee wejigii qofka dhintay, ayaa midkan nool lagu rakibay, iyadoo ilaa waqtigaas uu isbitaalka ku jiray, laguna baxnaaninayey sidii jirkiisa kale u aqbali lahaa weji qof kale.
Waa markii ugu horreysay oo weji buuxa oo qof la beddelo, loona geliyo mid qof kale, waxaana taqaatiirtu sheegeen in 90% uu wejigani u shaqayn doono intii weji looga baahnaa, sida hadalka, neefsiga, aragga, ilkaha, afka iyo cuntada... Laakiin weli wuxuu u baahan yahay la tacaalid badan oo uu kula qabsado isbeddelka ku yimid muuqaalkiisa iyo dareenka wejiga cusub, muuqaal iyo dhaqdhaqaaqba.
Ninkan wejiga loo geliyey waxaa laga soo xigtay in uu ku faraxsan yahay, isla markaasna u mahadcelinayo qoyska marxuumkii dhnitay ee ugu deeqay in isaga loo geliyo wejiga qof ka mid ahaa qoyskooda.
Ninkan ka hor, ilaa 10 qaliin oo weji ku saabsan ayaa dunida meelo kala duwan laga soo fuliyey, laakiin kani waa kii ugu horreeyey oo weji kaamil ah qof kale loo geliyey, waana tilaabo cusub oo aqoonta iyo farsamada aadanuhu gaartay.
C/qaadir Shire, London (UK)




