Home | Warar | Yemen:- Xubno muhim ah oo ka tirsanaa Al-Qaacidah oo la dilay

Yemen:- Xubno muhim ah oo ka tirsanaa Al-Qaacidah oo la dilay

image Yemen

Xubnaha la dilay ayaa ku jira Hoggaamiye lagu magacaabo Za'id Dagaari. Ciidanka dawladda ayaa iyaguna laga dilay 6 Askari

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in Xubno ka tirsanaa Al-Qaacidah oo ilaa 3 nin ahaa,la dilay, ka-gadaal markii ay Weerar ku soo qaadeen Fariin ay ku sugnaayen Ciidamada Yemen.

Weerarkan oo ka dhacay Gobolka Shabwa, ayaa Xubnaha laga dilay Al-Qaacidah waxaa ka mid ahaa: Hoggaamiye lagu magacaabi jiray Zaid Dagaari. Waxaa kaloo weerarkaas ku dhintay iyaguna ilaa 6 askari oo Ciidamada yemen ka tirsanaa.

Weerarkaan ayaa daba socda kuwa kale oo ay dhowr jeer oo hore Xoogagga Al-Qaacidah ka fuliyeen meel Yemen ka mid ah.

Ciidamada Yemen ayaa Hawl-gallo joogto ah ka wada Gobollo ay Shabwa iyo Abyan ka mid yihin, kuwaas oo mararka qaarkood loo adeegsado Dayuurado, lana duqeeyo goobo ay gabbaad ka dhigtan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu maalmahan dib u bilowday dagaalkii Xagga Sacda ee Xuuthiyiinta.Waxaa burburay dhex-dhexaadin ay beryahaan dambe wadeen Qabaail kale.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text