Home | Warar | Soomaaliya iyo Shirka Midowga Afrika ee Kampala

Soomaaliya iyo Shirka Midowga Afrika ee Kampala

image Midowga Afrika

Arrinka Soomaaliya iyo Shirka Midowga Afrika uga furmaya Kampala - Uganda

Magaalo madaxda dalka Uganda, Kampala waxaa hadda ku sugan madaxdii dalalka Afrika. Halkaas oo ahayd goobtii geerida ugu badani ka dhacday 11kii   Luuliyo 2010, qaraxyadii ururka Ashabaab sheegtay in uu isagu ka dambeeyey.

Shirku wuxuu furmay 25ka Luuliyo oo ku beegan maalintii la aasaasay Ururka Midnimada Afrikaanka (AU). Ajendaha ugu muhiimsan shirka, waa sidii ciidamo dheeraad ah loogu diri lahaa dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ujeedadu tahay in ay kula dagaallamaan gudaha Soomaaliya, ururada ka horjeeda Dawladda Madaxweyne Sheekh Shariif.

Laba daran mid dooro!

Haddii ayan dawladda KMG ahi helin cid difaaca, maalmo kooban, waxaa cagta marin doona Ashabaab oo iminka dalka badankiis haysta. Haddii ciidan Afrikaan ah oo la dagaallama Ashabaabka 'la dirana', sidii kuwii Itoobiya ugu fashileen, yey iyaguna ugu guulddaraysan doonaan. Taas oo ah in Soomalaiya aysan ahayn meel ciidan shisheeye xal ka keeni doono!!

Ciidankii Soomaaliya

Saraakiil, saraakiil xigeenno iyo askar, Soomaaliya xilligii dagaalkii qaboobaa, waxay lahayd ciidamada Afrika kuwa ugu tababar iyo abaabul sarreeya. Ciidankaasi wuxuu la burburay dawladdii dhexe, Sannadkii 1991. Kuwaas in dib loogu yeero, intii howlgeli karta, lagana faa'iidaysto aqoonta ciidan iyo waayo-aragnimada ballaaraan oo ay u lahaan karaan in Soomaaliya noqto meel amaan iyo kala dambeyn lagu soo celiyo.

Afrikanka ku shirsan Kampala waxaa la guddoon in ay arkaan muhimadda dib ugu yeeridda iyo maalgelinta ciidankii Soomaaliya. Waxaana isla markaas fiicnaan lahayd in madaxda soomaaliyeed ee shirkaas joogta, ay Afrika iyo dunida kaleba weyddiistaan in mashruuca 'Dib ugu yeeridda ciidamadii Somalia' la garwaaqsado, laguna go'aamiyo shir madaxeedka Kampla ee Afrika.

Talada Midowga Afrika waxay noqoto, la arki doonee..

 C/qaadir Shire, London (UK).

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text