Laba Askari oo Ugaandha u dhashay oo lagu dilay Muqdisho
Dagaalkii maalmahanba ka socday Boondheere ayaa lagu dilay laba Askari oo u dhashay dalka Ugaandha.
Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in la dilay laba Askari oo u dhashay Dalka Ugaandha, saddex kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii cuslaa ee maalmahanba ka socday degmada Boondheere ee Muqdisho.
Af-hayeen u hadlayay AMISOM ayaa tibaaxay in ay waayeen laba Askari oo Ciidankooda ka mid ah, saddex kale oo dhaawacmayna loola cararay Nairobi si loogu soo daweeyo.
Afhayeen Bahoko, ayaa intaas ku daray in toddobaadkaan ay saddex fariisin ka qabsadeen Al-Shabaab, kuwaas oo ku kala yaalla: Boondheere, Jubba iyo Shibis.
Af-hayeenka ayaa waxaa uu leeyahay:-"Waxaan ballan ku galnay inaan Nabaddii ku soo celinno Muqdisho, kana sifayno Xoogagga Islaamiyiinta".
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli la hadal hayo Ciidamo hor leh oo 2000 Askari ah inay imanayaan Soomaaliya, kana mid noqonayaan kuwa AMISOM ee Muqdisho.
Kasmo Online..




