Kulankii Sheekh Shariif ee Jaaliyadda
Madaxweyne Shariif oo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga
(Rome, Italy, July 20, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed ayaa galabta kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalka Talyaaniga, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Rome.
Kulankaas waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wafdigii la socdey iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Mudane Nuur Xasan Xuseen – Nuur Cadde. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Difaaca, Boostada iyo Isgaarsiinta, afar Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Sharif waxa uu jaaliyadda Soomaalida u sheegay in dalkii uu marayo marxalad amni oo adag, taas oo ay tahay in xukuumad iyo shacabba loo wada istaago in gacmaha la is-qabsado si loo gaaro xalka isla markaana looga wada shaqeeyo danta dalka iyo dadka, isaga oo Madaxweynuhu ku dheeraday baahida loo qabo in gacan la siiyo shacabka dalka dhexdiisa ku tabaalaysan, isla markaana ku booriyey Jaaliyadda Rome in ay u gurmadaan dadkaas, isla markaana ay gacan ka geystaan furidda isbitaaladii dalka.
Warfaafinta Madaxtooyada
media@sompresidency.org



