Home | Warar | Booqashada Italy ee Madaxweynaha Soomaaliya

Booqashada Italy ee Madaxweynaha Soomaaliya

image Shariif iyo Napolitano

Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tegay dalka Talyaaniga, magaalada Roma

Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tegay dalka Talyaaniga, magaalada Roma, 19kii Luuliyo 2010.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashandhigga, iyo Boosto iyo Isgaarsiinta, waxaana kulamo iyo wada hadallo xiriir ah ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Talyaaniga Mudane Franco frattini. Waxaana Wafdiga Madaxweynaha loo ballan-qaaday taageero siyaasadeed iyo kaalmo dhaqaale, siiba xagga ciidamada iyo dib u hagaajinta xarumaha Dawladda qaarkood.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa qaabilay Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano oo si diiran ugu soo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana weli wafdiga u socday kulanada hey'adaha dawladda Talyaaniga iyo Shirkadaha gaarka ahba, ujeedadu tahay in Soomaaliya gacan laga siiyo dhibaatada nooc walba leh ee dalka haysta.

Kasmo Online

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text