Dagaal tan iyo shalay ka soconaya Muqdisho..!!
Inta la ogyahay waxaa geeriyooday 12 qof,oo ay 10 ka mid ahi yihiin dad rayid ah.
Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in tan iyo shalay uu dagaal ka soconayo dhanka Woqooyi ee magaalada, waxaana la xaqiijiyay geerida in ka badan 12 qof oo 10 ka mid ahi yihiin rayid.
Dagaalkan ayaa xooggiisu wuxuu ka dhacayaa degmooyinka Cabdulcasiis iyo Shibis, waxay Ciidanka Dawladda iyo Al-Shabaab oo dagaalkaan isaga soo hor-jeeda kala sheeganayaan guulo.
Dhinacyada isaga soo hor-jeeda dagaalka ayaa isu adeegsanaya dhammaan noocyada Hubka oo ay Madaafiic iyo Hoobiyayaal ku jiraan,kuwaas oo khasaaraha sii badinaya.
Warar iyaguna laga helayo goobaha Caafimaadka ayaa intaas ku daraya in la soo gaarsiiyay Dhaawac ka badan 23 qof, oo ay ku jiraan arday dhiganaysay Dugsi Quraan oo Madfac ugu tagay Dugsigooda.
Af-hayeen u hadlayay Ciidanka Dawladda ayaa u sheegay Warfaafinta in ay iska caabiyeen, jebiyeenna Weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab, laakin Shabaab ayaa arrintaa ku tilmaamay Been.
Xoogagga Shabaab ee dagaalkam kala soo hor-jeeda Dawladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM ayaa iyagu tibaaxaya in ay dagaalka sii wadayaan.
Sida la og-yahayna waxay sheegteen Qaraxyadii ay 74-ta qof ku dhimatay ee toddobaadkii hore ka dhacay Caasimadda Ugaandha ee Kambala.
Kasmo Online..




