Dibad-baxyo wata gacan ka-hadal oo ka dhacay Koonfurta Yemen
Waxaa dhaawacmay 12 qof, ka-dib markii ay isku dhaceen Ciidanka Booliska iyo dad dibad-baxayaal ah Koonfurta dalka Yemen.
Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in ay dhaawacmeen 12 qof oo Ciidanka Booliska u badan, ka-dib markii ay isku dhaceen Ciidanka iyo dad dibad-baxayaal ah Koonfurta dalkaas.
Dibad-baxayaashan oo qaarkood hubaysnaayeen ayaa waxay magaalada 'Daalic' ee dhanka koonfureed ka dhigeen Dibad-bax,iyaga oo wajahay Ciidanka Booliska.
Isku-dhacaan ayaa bilowday ka-dib markii ay Ciidanku damceen in ay xagga Xabsiga u taxaabaan qaar ka mid ah Dibad-baxayaasha, kuwaas oo la sheegayo inay wadaan Olole ay ku doonayaan in ay Koonfurtu dib uga go'do Waqooyiga Yemen.
Wararka ayaa intaas in daraya in Ciidanku uu halgallo ka waday magaalada Daalic kaas oo uu ku doonayay in lagu soo qabqabto Xubno horseed ka ah Ololaha dib u go'itaanka reer koonfureedka.
Dibad-baxayaasha ayaa watay Calankii hore ee Dawladdii koonfurta iyo weliba Sawirrada Madaxweynahoodii hore: Saalim Al-Biid, oo haatan dibadda dalka ku nool.
Dibad-baxyo wata rabshado ayaa waayadan dambeba ka dhaca degmooyin ka mid ah Koonfurta Yemen,sida Cadan, Daalac, Abyan iwm. Waxayna dadka dhaqdhaqaaqaas wadaa u ololaynayaan dib u go'itaan.
Dhaqdhaqaaqaan ayaa uga sii daraya xaaladda dalka Yemen oo ay beryahaan dambeba dagaalladu kaga furnaayeen xagga Gobolka Sacda iyo meelo kale.
Kasmo Online..




