Aw-bidaarlow Timo Beero!
WQ: Cabdiqaadir Shire
Unugyo timaha madaxa oo lagu koriyey shaybaar ayaa la filayaa in xal loogu helo bidaarta, sida ay muujinnayaan jitaabooyin hordhac ah. Farsamadan waxaa loo adeegsanayaa waxyar oo ka mid ah unugyada timaha ee madaxa ku haray, ka dibna inta la koriyo ayaa dib loogu durayaa madaxii Bidaartu haleeshay, halkaas oo timo cusub ku dhalanayaan.
Sidaas waxaa sheegay saynisyahanno reer UK ah.. Waxay sheegeen in jitaabadii horeba, 19 qof oo lagu jitaabiyey farsamadan, 11k ka mid ah ay timo cusub u soo baxeen. Hase ahaatee, weli loo sii baahan yahay in jitaabo dheeraad ah la sii sameeyo, si qaab sugan oo kama dambeys ah loo gaaro, habkan timo cusub ugu soo baxayaan dadka bidaarta qaba. Sida la soo werinayo, qaabkani wuxuu bidaarta uga taqalusayaa bilo gudahood ah, madaxiina timo cusub uga soo baxayaan.
Waa xeelad aqooneed oo bidaarta loola tacaalayo, waxaana la sheegay in shan sano gudahood, ay noqon doonto mid baahsan oo loo adeegsan doono xallinta bidaarta.
Shirkadda Cilmi baaristan soo bandhigtay oo lagu magacaabo Intercytex ayaa wargeyska Kasmo, tirsigiisii 190, wuxuu hore uga qoray warbxintan:
“Dalkan UK oo laga bilaabay daweynta bidaarta’ Shirkad lagu magacaabo Intercytex, xarumona ku leh magaalooyinka Cambridge iyo Manchester ee dalka Britain ayaa horraantii bishan Oktoobar, dawladdu guddoonsiisay deeq lacageed oo dhan £1.85m.
Lacagtaas oo qayb ka ah dadaal lagu hormarinayo wax ka qabashada bidaarta hoolatay malaayiin rag ah, iyo qaar ka mid ah haweenkaba. Shirkaddaas, Intercytex, waxay soo bandhigtay in ay si ashqaraar leh ugu guuleysatay timo u soo bixinta, 5 ka mid ah toddoba rag ah oo ay ku jitaabisay farsamo cusub oo timo loogu soo bixinayo rag madaxoodu hoolan yahay, bidaar darteed. Waxayna jitaabo hadda ku hayaan 20 nin oo kale. Wixii ka dambeeyana loo soo gudbi doonaa in ay si ganacsi ugu baahdo dalkan UK iyo dunida kaleba.
Qaabkan oo ah mid aan hore loo adeegsan, waxay sheegeen in bidaar oo dhan, tan ugu cayn xun, lafteeda ay muddo seddex sano ah xal ugu helyaan. Saynisyahanada arrintan gacanta ku haya, waxay sheegeen ay adeegsanayaan Robotyo beera timaha, iyada oo marka hore, timo laga soo jarayo jeegada (Qadaadka) qofka bidaarka qaba, ka dibna ‘Robotku’ baaris iyo abuurid ku samaynayo.
Halkaas oo dib loogu beerayo madaxa bidaartu hoolatay, iyadoo irbad aad u dhuuban lagula durayo maqaarka hoose ee halka bidaartu leeftay, qadar aan ka badn nus saacna looga dhigayo madaxaas mid ay dib timo uga soo baxaan! Waxaa la filayaa in qaabkani horseed u noqdo in Aw-bidaareyaal badan oo madaxoodu hoolan yahay, sida kan warbixintan qoray, in ay waqti aan fogayn madaxoodu dib timo u yeesho.
Kuwaas oo rag u badan, haddana bidaar tan ugu welwel badan waxaa la sheegay in ay tahay tan haweenka qaarkood timaha ka leefta, nafsad ahaanna gabadha u dhaawacda. Hase ahaatee ‘bidaari’ rag iyo haween kay doonto ha gashee, waxay u egtahay in madaxyo badan oo ay beddeshay muuqaalkooda, dib caleenta quruxdu ugu soo noqon doonto, iyadoo madaxa bidaarta lihi u egyahay degaan dhir lahaa, oo abaari xaalufisay. Maxay ku huraysaa in dib loo beero!?”




