Lacag cusub 14kii May 2010, Gegida Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa laga dejiyey ugu yaraan laba shixnadood oo lacag ah, laguna kala keenay laba diyaaradood.
Markaas, iyadoo ’Gaadiid Dagaal’ ay gelbinayaan, waxaa la geeyey goobo ka mid ah meelaha kooban ee Dawladda Federaalka KMG ahi joogto.
Warka ku saabsan in Dawladda KMG ahi lacag soo daabacatay; qofku inta uusan isweyddiin tirada lacagtaas, caynteeda, dalka lagu soo daabacay, waxa lagu soo daad-gureeyey...
Inta arrimahaasi ayan qofka maankiisa ku soo dhici, isla markiiba waxaa ku soo dhacays weyddiimo dhab ah:- Sida dawladdu ka yeelayso lacagtaas? Halka lagu xafidayo? Sida loo isticmaalayo iyo dhulka dawladdu ka taliso oo ay ka dhaqan-gelayso?
"Dukaan walba, Bakhaar walba iyo qof walba oo ku sugan deegaanada ay dowladdu gacanta ku hayso oo lagu helo isagoo lacagtaas isticmaalaya waxaa lala tiigsan doonaa sharciga" waxa eraydan lihi waa Macallin Xaashi, Guddoomiyaha Xisbi Islaam ee Gobolka Banaadir, oo amar ku bixinaya in dhulka Dawladdu joogto, xataa aan lacagtaas laga isticmaali karin.
Sida oo kale, war ay dhowaan siisay warbaahinta, Xildhibaan Caasha Axmed C/lle oo ka tirsan Guddiga Dabagalka Maaliyada u qaabilsan Baarlamaanka waxay ku sheegtay in lacagtaasi tahay mid xaaraan ah, waxayna uga digtay dadka in ay ka feeginaadaan.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise, isagu waqtigii la qabanqaabinayey in la soo dhaabaco lacagtan, ayuu shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magalaada Nairobi, wuxuu ka sheegay in ayan ahayn sharci in xilligan iyo xaaladda lagu jiro, lacag la soo daabaco..
Ururka Ashabaab laftiisu ma soo dhoweyn isticmaalka lacagta Dawladda KMG ahi soo daabacatay, wuxuuna ka digay in la keeno degaanada uu isagu ka taliyo.
Maamulka Puntland isaguna wuxuu ka digay in lacagtaasi ay soo gasho Gobollada uu maamulo. Maamulka Daahir Riyaale ee Somaliland ayaan iyagana laga qaadan doonin lacagtaas.
Wargeyska Kasmo wuxuu qabaa in ay tahay lacag mudan in laga diido goob kasta oo Soomaali joogto. Kuwa abaabulay in ay lacagtaas soo dhaabacaan, run ahaan waxay u bareereen dhagar dhaqaale, fal keeni kara isir-goyn ‘Genocide’, sicir bararka ka dhasha dartiis!.
Faallo ku so baxday Kasmo, 20kii May 2010