Faallo: Xiisaddii gilgishay Hargeysa
12kii Sebtember 09, Hargeysa waxay u ahayd maalin kaloo madow, waxaana halis gashay wixii keliya ee dadku haystay: waa ‘Nabadi' oo Soomaaliya - badankeed noqotay badiico in la helo iyo in la haysto, labaduba dhib yihiin.
Degaanada Maamulka la baxay Somaliland, nabadda ayey dunida uga iibin jireen in ay aqoonsi dawladnimo ku mudan yihiin. Laakiin wixii dhacay toddobaadkii la soo dhaafay, halis ayey gashay. Xiisaddu waxay ahayd mid muddo soo jiitamaysay oo loo caalwaayey, cid kastana isku dayday, kaas oo ugu dambeystii soo butaacday, iyadoo ka dhex aloosan Xukuumadda Daahir Riyaale iyo Golaha Wakiilada, siiba Shir-guddoonka iyo golaha laftiisa oo kala jaban.
Waa muran marka kor laga eego fudud, laakiin marka gudaha loo galo, waxaa jira arrimo door ah oo mudan in la xuso, kuwaas oo qayb ka ah waxa halkaas ka dhacaya, toos iyo si dadban, waxaana ka mid ah:-
1.Natiijadii Diiwaanka Tirokoobta oo la laalay iyo Interpeace oo la cayrshay.
2.Maamulka meesha ka jira oo waqti badan dib u dhigayey doorashada.
3.Bareere (Motion) xil ka xayuubin Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa oo Golaha Wakiilada la horkeenay, iyo qayb xoog leh Wakiilada oo diiddan arrintaas.
4.Faro-gelin dibadeed, lana kala jira kooxaha isku haya Somaliland.
5.Aqoonsi Somaliland oo, sida muuqata la gaari la’ yahay, iyo kaalinta xoogagga diidan kala goynta oo isa soo taraya gudo iyo dibedba.
6.‘Beelnimo iyo Saboolnimada’ iyo faqriga baahsan oo culeyskooda leh.
Inkastoo xiisaddii ay iminka qabowdahay, haddana run ahaan xaalku weli waa cakiran yahay, lamana saadaalin karo waxa soo kordhi doona maalmaha inagu soo fool leh.
Waxgaradka waxaa la gudboon baajinta in aan 'Awrka sharku' xargo-goosan!
Faallo Wargeyska Kasmo, 17 Sebtember 09, London, UK




