Federaalka iyo Faroole (Faallo)
Heshiisyada dalalka, shirkadaha iyo gobollada Soomaalida lala gelayo, iyadoon xataa maamulin Muqdisho, shaki la’aan waxay u dhici karaan qaar ay ku wiiqanto Dawladda Federaalka KMG ah lafteedu.
Dawladda Soomaaliya waxay hore ugu wiiqantay Heshiiskii Xuduud -badeedda ay la gashay Kenya.
Heshiiska 23 Agoosto 2009 ay Puntland iyo Dawladda Federaalka KMG ah kala saxiixdeen, inkastoo uu dhex maray laba hey’adood oo Soomaali ah, haddana ma dahsoona in Puntland awood la’aanta Dawladda ay uga faa’iideysanaysay arrimo aan waqti xasiloon qalinka lagu duugeen! In Wufuuddaha Dawladda Federaalka KMG ah ay xubno ku lahaato, Heshiisyada caalamiga ah ee Dawladdu gelayso qayb ka noqoto, in deeqaha wabarasho Puntland la siiyo 25%....
Dawladda Federaalka KMG ahi waxay ka dhisan tahay xubno ku yimid waxa ay ugu yeeraan 4.5. Sidaas darteedna Federaalku maaha Jinni meel kale uga yimid!
Haah, waa run in Puntland xaq u leedahay in ay hesho qaybta ay ku leedahay waxa Federaalku maamulayo: dhaqaale, waxbarasho, shaqo iyo xilal intaba. Dhanka kale, Somaliland oo aqoonsi dunida meelna ka weydey, sabab la xiriirta in ay qayb ka tahay Soomaaliya oo midnimadeedu muqaddas tahay, waxay iyaba xaq u leedahay in ay waxa Soomaaliya loo qoondeeyo qaybteeda ka hesho. Waayo suurtogal maaha, in geesna ay aqoonsi ku weydo in ay Soomaaliya ka mid tahay, geesta kalena ay wax uga weydo Dawladda Federaalka KMG ah in ay iyadu gooni uga baxday!
Waxaa taas la mid ah in gobolada dalka ee aan iyagu Maamul goboleed lahayn, ayan xuquuqdooda ku waayin in uusan maamul u dhisnayn. Wargeyska Kasmo waxay la tahay in Ra’iisaal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Faroole saxiixeen arrin Soomaaliya oo dhan khuseeya.Maamul goboleedyadu waa in ayan Dawladda FKMG ah xakaar ku marin tabar la’aan ay qabto darteed.
Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo 27kii Agoosto 2009




