Faallo: 49-guuradii Soomaaliya
1da Luuliyo 2009 waxay ku beegan tahay 49 Guuradii ka soo wareegtay markii dalku gobanimada ka qaatay gumeysigii Ingiriiska iyo kii Talyaaniga, isla markaasna Midoobay.
Hase ahaatee,49 sano ka dib, waa mudan tahay weydiinta ah: iminka Soomaaliya ma xorbaa, mise gumeysi bay ku jirtaa?
Aan xusuusta dib ugu celino ayaantii Cabdullaahi Suldaan Timacadde, isagoo bogaadinaya muunada iyo burjiga calanka qaranka ka dhashay geyiga Soomaaliya, tiriyey: “Sareeyow ma nusqaamow, aan siduu yahay eegnee, kaana siib, kanna saar”.
Kaas la siibayo wuxuu ahaa calankii reer Yurub ee doolka iyo gumeysi-doonka ku yimid, kan la saarayona wuxuu ahaa kan Qaranka Soomaaliya ee riixay kii cadowga.
Abwaanku isla markiiba waa digay, waxaase digniintiisu la kulantay dhego cufaysan!
“Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane!” oo digniinta Timacadde ahayd ayaa Soomaalidu ku sii dhego adaygtay!
Hadday maamul ahayd, caddaalad iyo garsoor ahayd, iyo hadday mucaarad iyo xukun doon ahaydba, wax kasta oo Soomaalidu ku dhaqaaqday waxay wax ku ifsatay, ku nuursatay qabyaalad!
Maanta 49 sano ka dib waxaan markhaati u nahay in calankii Soomaaliya laaban yahay, ka dib markii ay ku soo dhamaatay tii Cabdullaahi Suldaan ka digay: “Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane!”. Way dumisay, kala xuubsatay, kala goosatay, feenatay!
In la heshiiyo oo nabad iyo walaalnimo loo noqdo, colaadda laga gudbo, loo noolaado sida aadanaha, waxay maanta ka dhib badan tahay saaritaankii gumeysiga. Iyadoo mar kale Soomaalidu qarka u saaran tahay in dib loo gumeysto.
Waxgaradka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay ku tillaabsadaan dhaqdhaqaaq madaxbanaani qarameed oo ka xanuun badan kii gumeysiga lagu saaray 49 sano ka hor.
Inta muuqan karta, Soomaaliya hal rajo oo dhow bay leedahay. Taas hadday ka il-duufto ama xooggagga nabad-diidku wiiqaan heykalka dowlad u yaalka ah ee Soomaaliya hadda ka jira, oo weliba ciidamo shisheeye ilaalo ka yihiiin!
Markaas Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay in ay noqoto dal lagu dhigto taariihkda in uu jiri waa jiri jiray!
Dowladda taagdaran oo ceebo badani waxay ka fiican tahay dowlad la’aan!
Faallo lagu daabacay Kasmo, 2 Luuliyo 2009




