Home | Faallo | Faallo: Diin, Xeelad & dagaal

Faallo: Diin, Xeelad & dagaal

Wejiyada dagaalka Soomaalida waa badan yihiin! Bilowgii hore (1980-1990) wuxuu sheeganayey dagaal waddani ah oo dalka looga xoreynayey xukun keli-talis ah. Gadaalkiise waa dagaal beeleed.

Laakiin maanta waxaa tuman durbaan cod dheer: waa durbaanlka diinta oo cid kasta siday doonto u yeersato!    Kooxaha Soomaaliya, magacay  doonaan ha  yeeshaane, dhammaantood waxay qaateen magac diimeed iyo Shareeco Islaam oo lagu dhaqmayo.  Ashaab, Ehlu Sunna wa Jamaaca, Xisbi Islaam, Dib u Xoreynta, Maxkamadaha Islaamiga ah, iyo ugu dambeystii Dawladda Federaalka KMG ah, waxaa la wada huwaday shaar Diimeed!

Halkaas oo 10kii bishan Maarso 09, Golaha Wasiirada ku dhawaaqeen meelmarinta Shareecada Islaamka. Hase ahaatee waxaa jira weyddiimo: dalka Shareecada Islaamka lagu xukumayo waa kuma? Xaggeese ku yaallaa dhulka Dawladda Soomaaliya maamusho oo ay Shareecada ku fulin doonto?  

Intaan Shareeco Islaam la isku maamulin, waxaa habboon in marka hore dalka nabad lagu soo dabaalo, hey'adihii dawladda dib loo unko, dadka tabaalaysan cunto iyo daryeel loo helo, qof walbana halka uu ku nool yahay xasilooni ku dareemo?
 
Kuwa ku dooda in ay dhiigga Muslimka u daadiyaan, ku dhaqanka Shareecada Islaamka darteed, hubaal waxay leeyihiin ujeeddo ka duwan tan ay sheeganayaan, waana xukun doon! 

Xukuumadda lafteedu waa ogtahay in aan xilligan Soomaaliya joogin meel ay Shareeco Islaam kaga dhaqantee, waxay doonaysaa in ay kaga ammaan hesho sharka kuwa dagaalka Shareecada ku jira!

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo, 19kii Maarso 2009,

London, UK

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text