Faallo Wargeyska Kasmo
Dhiigga daadanaya ee Soomaalida maaha wax cusub. Waxay ku dhimanaysey bad iyo birriba.
Ugu yaraan 20-kii sano ee ugu dambeeyey, gaar ahaan gudaha Soomaaliya, waxaa loogu hoobtay colaad si xiriir ah u soo taxnayd.
Markii hore waxay ka dhex socotay Dawladdii General Maxamed Siyaad hoggaaminayey iyo Jabhado beeleedyo. Markii ay dawladdii burburtayna, beelo ayaa safan ballaaran loogu dagaallamay, dhulka iyo degaanada la kala qabsanayo. Qabiil walba wuxuu doonayey in uu tiro badan ka dilo kuwa kale.
Soomaaliya waxay dhacdaa meel strategic ah dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaamba, waana xaqiiqo in dagaallada iyo iska horimaadyada dunida meelo kale ka jira, ayan ka madaxbanaanaan karin.
Kuwaas waxaa ka mid ah colaadda ka dhex aloosan Al-qaacida iyo reer galbeedka. Al-qaacida qorshe cad ayey ka leedahay Soomaaliya, waxayna diyaarisay dad taabiciin ah oo fikarkooda iyo fahamkooda diimeed rumeysan, kuwaas oo ay afka ugu tireen, kuna hoggaamiyeen in ay soo dilaan cadowga Ilaahay!
Al-qaacida iyo Wakiiladooda Soomaaliya, lama weyddiin: Maxaa Soomaaliya keligeed looga dilayaa Cadowga Ilaahay? Waxaase ka sii muhiimsan taas: Muxuu yahay Ilaaha aan cadowgiisa isaga filnayn oo hiil ama ciidamo uga baahan aadane!?
Halkaas, ama dhagar baa jirta oo dad masaakiin ah ayaa lagu jid-marayaa, ama Al-qacida iyo Soomaalidu isku Ilaah maaha.
Faallo uu qoray Wargeyska Kasmo, London 26 Febraayo 2009




