Faallo: bixitaan ka dib - Soomaaliya?
Waqti badan kama soo wareegin markii ‘Goobo’ Ciidanka Itoobiya banneeyey, ay maliishiyo Soomaali ahi soo fariisteen! Isla markiiba Muqdisho waxaa ku bilowday in loo kala hormaro qabsiga saldhigyo Ciidamada baxaya ka guureen. Taas oo Muqdisho ka dhigaysa magaalo weji cusub gashay.
Isbahaysigii Dib u Xoreynta, Garabka Jabuuti oo Heshiis la gashay Dawaladda FKMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ka socda ee Nabad Ilaalinta, oo sida muuqata isku dhinac ah, iyo Kooxihii diiddanaa Heshiiska Jabuuti oo isku dhinac ah.
Labadaas ‘Isbahaysi’ ayaa la filan karaa in dagaal cusubi ku dhex maro Muqdisho. Labada daraadle, waxaa la filan karaa in qolyaha diidan Heshiiska Jabuuti, sida garabka Asmara ee Daahir Aweys iyo Ashabaab, ay wax kastoo iyagu isku khilaafsan yihiin, la ahaan karto in waqtigu yahay mid iyaga u hiillinaya (Bixitaanka Ciidanka Itoobiya iyo kala qaybsanaanta Dawladda FKMG ah).
Markaas, Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kaleba waxaa sugaya waayo colaadeed oo kale, iyo weji kale oo dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaatay. Waa dagaal wejiyo badan, mid diimeed, mid xukun doon, mid qabiil iyo aqoon-darro iyo talo xumo isbiirsaday!
Sidaas darteed waxaa beeran xaalad bixitaanka Itoobiya awgeed uusan dagaal joogsanayn. Hase ahaatee waa suurtogal in bixitaanka Itoobiya dhaliyo, taageero ururada qaarkood heli jireen dadka ku beer-laxawsan jireen.
Dagaalladii Gobollada Dhexe ka socday (Guriceel, Dhuusamareeb….) iyo kuwa Gedo iyo xagga Jubbooyinka ka alsoona, iyo marka la fiiriyo colaadda ka soo yoomaysa Xamar oo Itoobiya ka sii baxayso.
Arrimahaas oo dhan marka la isku geeyo, 18-sano ka dib, Xaalka Soomaaliya waxay u muuqataa in arrinku taagan tahay: ‘Allow na fagso!’
Hubaal, bixitaanka Itoobiya maaha colaaddii sokeeye oo dhamaatay iyo waddankkii oo nabad helay. Waxaana weli taagan su'aal muhiim ah: Run miyaa in Itoobiya ka baxayso Soomaaliya, mise waa xeelad?
Faallo ku soo baxday Kasmo, 15 Janaayo 2009




