Faallada 2009
Kooxaha wax dila, ha noqdaan kuwo ku tiirsan jilayaal gudaha ah ama kuwo ka shidaal qaata meelo durugsani, intaba is-maandhaafka Soomaaliya kuma imaan doono isbeddel weyni 2009.
Waxaaba sii kala furfuran xoog leh ku sii socon doonaa kooxo fagaaraha Soomaaliya maanta si ballaaran uga dhex muuqda.
Sannadkan 2009 waxaa laga yaabaa in uu bilow u noqdo xilli Soomaalidu, dhib kasta oo ay mudatay, ugu dambeys ayan diyaar u ahayn in lagu 'beer-laxowsado' magac diimeed oo ujeeddo dhagareed lagu fushanayo!
Waxaa kaloo Sannadkani noqon doonaa mid dunidu dhab u garwaaqsato in caalamka ay dan ugu jirto Soomaali xasiloon oo nabad ah, dunida kalena kula nool nabad.
Hase ahaatee, Sannadkan 2009, Soomaaliya kama hirgeli doonto dawlad Qaran oo habaysan, waxaase laga yaabaa in ay bilaabato dabayl ama kacdoon dhan ka ah kooxaha adeegsada diinta iyo ururada qabaa'ilka!
Waxaa laga yaabaa in 2009, uu sannadihii dagaallada sokeeye oo dhan kaga duwanaado in ay dhashaan ururro aan diin iyo qabiil toona ku dhisnayn; ururro uusan xukun madax-marin.
Dhaqdhaqaaq ka bilowda dibedda iyo gudihii Soomaaliya, una fikiraya si nabadeed, badbaado iyo dadnimo ayaa laga yaabaa in uu dhasho.
Dhanka kale, Dawladda Federaalka KMG ah oo aan burburin ayaa waxaa laga yaabaa in ay ilaa xad halka ay joogto hore uga sii dhaqaaqdo. Hase ahaatee, waxaa mashaqo weyn ay kala kulmi doonaan sida loo maareyn karayo 550 Mudane Baarlamaan.
Waxaana, haddii sidaasi dhacdo, la filan karaa in taladu farah ka baxdo, loona darsado markii Baarlamaanku ahaa 275 xildhibaan.
Faallo ku soo baxday Wargeyska Kasmo, 9kii Janaayo 2009




