Hooyada Shirqoolka - Soomaaliya (Faallo).
Soomaaliya: Hooyada Shirqool oo dhan 'Mother of All assassinations' (Faallo)
'Hooyada Shirqool oo dhan' (The Mother of all Assassinations)
Maalmahan si xowli leh waxaa u socda Shirqoollada lagu dilayo saraakiisha Dawladda, Oday dhaqameedyada, shaqaalaha hey’adaha gargaarka, Weriyayaasha iyo aqoonyahankaba.
Weyddinta 'Yaa wax Shirqoola?' waa tan ugu mudan oo jawaab in loo helo ay dow tahay. Shirqoollada intooda badan waxaa loo aaneeyaa kooxo magac Islaam leh: Maxkamado Islaam, Jabhatul Islaamiya, Ashabaab iyo Mucaskarka Raas kambooni, iyo kuwo kale!
Kooxahaas oo dhan, siday doonaan ha u kala bateene, ma jiro mid aan ficillo xaaraan ah ka fulin gudaha Soomaaliya, iyadoo loo yeelayo muuqaal diimeed!
Magaca diinta waxaa loo adeegsaday wax kasta oo reeban: dumid qabiil, colaad reero Soomaaliyeed, duullaan lagu qaado reero negi, qaniimeysi dad Islaam ah xoolohood ama degaannadood, u adeegid dano cadow, aragax iyo Shirqoolid marba qofkii waxgarad ah oo dagan!
Heerka ugu dambeeya oo qof la dhagro, malaha waa tan loogu soo dhuunto Diin ahaan, ka dibna lagu waxyeelleeyo iyadoo la adeegsanayo magaca Eebbe!
Hubaal, dhagartaasi waa haleeshay dadka Soomaaliyeed, waxaana gacantooda ka baxday awood oo dhan. Waxay noqdeen qoon jabay, oo lagu fulin karo wax kasta oo la doono: Qabiil, danaysi, Diin ku gabbasho... Isla markaas, hubaal waxaa socda barnaamij ay qolyo dahsooni wataan oo lagu khaarijinayo Aqoonyahanka, culumada, weriyeyaasha, saraakiisha iyo Oday dhaqameedka..
Dilka saraakiisha hey’adaha gargaarku waxay qayb ka tahay silsiladda dilka ah ee Soomaaliya looga ugaarsanayo aqoonta, ilbaxnimada iyo raadkasta oo u ekaan kara astaan Dawladnimo. Sidaas darteed, Soomaaliya waqtigan la joogo waa ‘Hooyada Shirqool’ oo dhan (The Mother of all assassinations!).
Waxaa loo baahan yahay cid isku xilsaarta oo uruurisa magacyada, xirfadda, derejada, Xilka, goobta dilka, taariikhda iyo wixii tilmaamo ah oo kale.
Ugu yaraan waxay noqon karaan diiwaan ka hara dadkii Shirqoolka looga dilay Soomaaliya!
Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo, 9kii Oktoobar 2008.




