Home | Faallo | Wargeyska Kasmo - nuqulkii 17 June 2010

Wargeyska Kasmo - nuqulkii 17 June 2010

image

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo: 'Maxaa la isku casilay?"

Wasiirro Soomaali ah ayaa magaalooyinka London iyo Muqdisho uga kala dhawaaqay in ay ka baxeen oo ay iska casileen Xukuumadda Cumar Cabdirashiid.

Guuldarrada - 'khilaafka' Dawladda KMG ah iyo Baarlamaanku ma ahayn wax qarsoon, waxaana xumaa oo mugdi ku jiray wada shaqaynta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Dawladda Madaxweyne Sheekh Shariif, waa markii ugu horreysay oo tiro intaan dhan oo wasiirro ahi isku mar ku dhawaaqaan casilaadd! Wasiirada iscasilay waxaa ka mid ah: Yusuf Siyaad Indhacadde, Maxamed Cabdullaahi Omaar, Xasan Macallin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Iscasilaadda Wasiiradan waxay ku soo beegantay iyadoo weerarro joogto ahi ku socdaan Xarumaha dawladdu degan tahay, oo Madaxtooyadu ugu horreyso, ka dib markii dalka intiisa badan ay soo qabsadeen Ururo diimeedyada kala ah Ashabaab iyo Xisbi Islaam. Kuwaas oo dhab ahaan uga taliya gobolada Jubada Hoose, J/Dhexe, Gobolka Gedo, Baay, Bakool, She/Hoose, Shabeelle Dhexe, Gobolka Hiiraan, iyo goboka Galgaduud oo ay qaar ka taliyaan.

Magaalada Muqdisho badankeed wuxuu gacanta ugu jira xoogagga la dagaalamaya Dawladda. Waxaa ka mid ah Degmada Dayniile, Yaaqshiid, Kaaraan, Ceelasha Biyaha iyo Huri-waa.

Degmooyinka Boondheere, Shibis, Cabdicasiis, Hodon iyo Howlwadaag iyo Wardhiigleey oo 'Madaxtooyada Villa Somalia’ ku taal, weli waa goobo dagaal.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ‘Amisom’ ayaa jiritaanka iyo badbaadada Dawladda Sheekh Shariif ku xiran tahay. Waana sababtaas tan ugu weyn oo ayan Dawladda Shariif uga hadlin xasuuqa joogtada noqday ee ay Muqdisho ka wadaan ‘qoonkan’ lagu sheego in ay nabad ilaalin halkaas u joogaan, waa AMISOM!

Dawladda Sheekh Shariif, waxaa lagu tilmaami karaa mid ku sugan heerka ugu xun ee dawlad fashilan; waa khilaaf iyada dhexdeeda ah, ciidan shisheeye oo ay magan u tahay, dalka oo meel gacanteeda ku jira ay yar tahay, 550 mudane oo mushaar ka sugaya iyo ilaa kontomeeyo wasiir ah oo xafiis iyo xil ay kala qabtaan ayan jirin!

Waxaas oo la isku daray, iscasilaaddani xataa haddii ayan ahayn shirqool loo maleegayo Cumar Cabdirashiid in xilka looga qaado, waa xaqiiqa in kuwa iscasilay iyo inta hartay oo Sheekh Shariif ku jiro, ay yar tahay maslaxad Soomaaliyeed ee loogu adeego magacayada la wato ee kala ah Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare, Wasiir, Guddoomiye, Xildhibaan iyo wixii la mid ah!.

Faallo Wargeyska Kasmo - soo baxay 17 June 2010.

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text