Magan Magan Daahir Yuusuf oo koobka Kubada Miiska 'Top-12 Breda' ee Holand ku guuleystay
Hambalyo Magan Daahir Yuusuf oo guul weyn ka gaaray Tartanka Top-12 ee dalka Holland, wuxuuna mudan yahay ku dayasho iyo taageero Sport-yahanka Soomaaliyeed.
Sanad walbo waxaa magaalada Brede dalka Holand lagu qabtaa tartan kubada miiska (Tafeltennis), loona qabto 12-ka ciyaaryahan ee dalka Holland ugu fiican ciyaarta Kubadda Miiska, kuwaas oo sannadkan magacyadoodu kala ahaayeen:
1- RUDY VAN DER KOOY.
2- JAN KOOTSTRA.
3- TOM PELZER.
4- JOLANDA PAARDEKAM.
5- MAGAN TAHIR.
6- KEES KUPERS.
7- ERWIN WESTRA.
8- KELLY VAN DE ZOON.
9- TONNIE HEIJNEN.
10-RONALD VIJVERBERG.
11-ARNO VAN DAATSELAAR.
12-BRANKO PUSKARIC.
Tartankaan waxaa dhiga, isla markaana maamula Xiriirka Kubadda Miiska ee Netherland (Nederland Tafel Tennis Bond: NTTB). Tartankaan waxaa ka qayb-galay Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Kubadda Miiska, Magan Daahir Yuusuf oo ay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraan Mucjisada Kubadda Miiska.
Magan Daahir ayaa tartankaan 3-dii sanadood ee la soo dhaafay kaalin 1aad ka galay, isla markaana u soo galay diyaargaroow adag.
Ugu dambeentii, waxaa Kaalinta Kowaad ka galay koobka, isla markaana markii 4aad noqday Laacibka ugu wanaagsan dalka Holand, Magan Daahir Yuusuf kadib markii uu kaalinta kowaad ka galay tartankii TOP 12 ugu wanaagsan Tafel Tennis-ka dalka Holand, kaalinta labaadna waxaa galay Ciyaaryahanka la yiraahdo Rudy van der.
Magan Daahir Yuusuf oo aan wacay si aan wax uga ogaado cida ku guulaystey tartanka ayaan su'aalay cidda koobkii ku guuleystey maanta? Magan ayaa igu jawaabay: ''Yaa kale hee” isagoo qoslaayo oo faraxsan.' taas oo aad ka garan karto sida uu iskugu kalsoon yahay ciyaaryahankan marka ay noqoto ciyaarta Kubadda Miiska.
Inkastoo kaftan aan mooday hadalkiisa, haddana waxaa ka soo hubiyay website xiriirka kubadda miiska dalka Holand ( NTTB). Halkaas oo warbixin ka hadlaysa guusha Magan lagu daabacay 7 December, Shabakada Internetka ee xiriirkaas. Run ahaantii markaan eego kaalinta Magan uu kaga jiro Sportiga ayaan oran karaa inuu hormood u noqon karo Magan nin ay kaga daydaan heerka uu isgaarsiiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo Qurbahaba.
Xigmad Soomaaliyeed ayaa oranaysa: ''doonaa waa garaa.''
Magan waa ‘Role model and true Sportsman’.
Waxaan leenahay: ‘Hambalyo Magan Daahir Yuusufow’.
WQ: Yusuf Yusuf, Sports Editor



