Home | Cayaaraha | Maamulka Cusub ee Ururka SSIFO

Maamulka Cusub ee Ururka SSIFO

image Kulanka Kubadda Koleyga SSIFO

Urur Kubadda Koleyga Soomaalida Qurbaha oo la dhisay iyo Guddiyo kala duwan oo la magacaabay.


Toddobaadyadii aynu ka soo gudubnay waxaa shirar isdabajoog ah ay uga socdeen magaalada London bahweynta Kubadda Koleyga ee ku midoobay ururka SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation). Kaas oo kulankii sanadkaan ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnahii kale ee ururka oo ka kala yimid Maraykanka, Canada, Qatar, UAE iyo wadamo badan oo ka tirsan Europe.

Ujeedada shirarkaasiwaxay ahayd kulan iyo ka hadal, sidii kobcinta iyo horumarinta kubbadda koleyga Soomaaliyeed looga qayb-qaadan lahaa. Qaasatana sidii looga badbaadin lahaa falalka iyo dhaqamada xun xun Ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha nagula nool.

 Waxaa iyaduna halkaasi lagu lafo-guray qaabka ugu wanaagsan oo ay u wada shaqayn karaan Bahda kubadda koleyga Qurbaha iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo weliba kan Olymbikada.

Shirarkaasi ayaa gunaanadkii waxaa lagu doortay hoggaanka maamulka Ururka SSIFO wadi lahaa mudada 2da sano ee soo socoto. Kaasi oo noqon doono mid guud ahaanba ay ku midaysan yihiin bahwaynta kubadda koleyga. Waxaana xubnihii la doortay ay kala ahaayeen sidan:

 GUDDIGA FULINTA EE SSIFO

1.

Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi dheere)

Guddoomiye

Canada

2.

C/raxmaan Maxamud Gohad (shiino)

Guddoomiye Xigeen

UK

3.

Xasan Maxamed Faarax (John )

Xoghaye

UK

4.

Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Shiikha)

Xoghaye

USA

5.

Axmed Muuse Xuseen

Dhaqaalaha

Germany

6.

Idiris Ibrahim Suleymaan

Dhaqaalaha

USA

7.

Miski Cumar Hobar

Wakiilka Dumarka

UK

 GUDDIGA DHEXE EE SSIFO

Cismaan Maxamed Xalane(Xarash)                    

Xubin

Cismaan Xuseen Xaaji (Shiis)                                  

Cabdicasiis Maxamed Guuleed (C/Xalwo)

Abuukar Axmed Maxamed (A/Shiino)

Cabdi Nuur Jaamac (C/Dibutaati)

Ibraahim Jumcaale Cabdi (Buruko)

Daa'uud Axmed Dheere

Axmed Maxamed Saalax (A/Diinaash)

Maxamed Xaaji Cali

Xasan Maxamed (Xasan Garre)

Bashiir Maxamed Yuusuf

Maxamed Shiikh Muuse

Cumar C/qaadir Baarajab

C/llahi Xaaji Cilmi Ereg (Xaaji)

Suleymaan Maxamed Cali

Bashiir Cabdi Daahir

Axmed Daahir Axmed

Yuusuf Cumar xaaji (Y/Doolow)

Xaawo sheikh Axmed (X/Taako)

Luul Aadan Shiddo

Shukri Dhalbaas

Safiyo M. Gudaal (S/Neero)

 WAKIILADA KUBADDA KOLEYGA SSIFO

Mohamed Faarax Qambi

Canada

C/qaadir Yuusuf Ciise (Madaxey)

USA

Abuukar Abanuur

Europe

Xaawo Maxamuud Cabdulle (X/Kiin)

Germany

Cabdullahi Cali Cumar  

Netherland

C/llahi Xaaji Cilmi Ereg (Xaaji)

Sweden

Maxamed Xaaji Ali

Carabta

Cumar Cabdulqaadir Baarajab

Dubai

Cabdullahi Xuseen Gedle(Afweyne)

Qatar

Mahad Faarax Xayir

Australia

C/qaadir Cali Yuusuf 

Yemen

Cali Maxamed Colaad (C/Baashi)

Sacuudi

Osmaan Maxamed Ga'al

Italy

 WAKIILKA SSIFO EE XIRIIRKA SOOMALIYEED EE K/KOLEYGA

Abdirahman Mohamud Gohad (Shino). Sidoo kale waxaa halkaasi lagu magacaabay guddiyo kala duwan iyo Wakiilo oo dhammaantoodba ka shaqayn doona horumarinta kubadda koleyga Soomaaliyeed.

 Guddiyada iyo Howlaha ay qaban doonaan

 GUDDIGA DHEXE:

•  La xisaabtanka guddiga fulinta xubnihiisa labadii sanoba mar.

•  Xubnaha guddiga fulinta waa la badali karaa si doorasho ah. Labadii sanoba mar ayaa doorashada la qabanayaa. Xubnaha guddiga fulintana waa isa soo sharaxi karaan mar kale hadday doonaan.

•  La socoshada iyo talo siinta xubnaha guddiga fulinta.

 WAKIILKA SSIFO EE X/S/K/K:

•  La xiriirida, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga, isla markaana uu si toos ah ula shaqeeyo xiriirka.

 GUDDIGA ODOYAASHA SSIFO:

•  Inay talooyinkooda ugu deeqaan ururka SSIFO oo u arka, inay yihiin halgamayaal u soo halgamay Isboortiga Soomaaliyeed, kaalintooda iyo taladoodana ay tahay lama huraan.

 GUDDIGA TARTAMADA & FARSAMADA SSIFO:

•  Inay la socdaan oo ay goobjoog ka ahaadaan cayaaraha K/koleyga SSIFO ay qabanqaabiso.

•  Inay dajiyaan shuruucdii lagu maamuli lahaa tartamada, iyaga oo waliba la shaqaynaya guddiga garsoorayaasha.

 GGUDDIGAISBOORTIGA HAWEENK SSIFO:

•  In ay ka shaqeeyaan xiriirinta iyo isku keenida gabdhihii hore iyo abuurida hablo da'yar oo ka qayb qaata cayaaraha iyo tartamada SSIFO ay qabanqaabiso.

•  In wakiilka Dumarka ay mas'uul uga tahay intooda kale, la socodka dhaqdhaqaaqa Ururka ayna gaarsiiso xaalada meeshay marayso.

•  In ay gudiga u soo gudbiso, wixii horumar ah ay Dumarku sameeyaan iyo baahidooda, si ayagana axwaashooda loola socdo.

 GUDDIGA TABABARAYAASHA:

•  In ay abuuraan kooxo kubadda Koleyga oo da'dooda ka bilaabato 7 Jir ilaa 20 jir.

•  In la raadiyo caruurta Soomaaliyeed ee farsamadooda sarreyso Talantiga ah , si looga qayb galiyo tartamada caalamiga ah.

•  In macluumaadka cayaartooyda ay ururiyaan, una gudbiyaan guddoomiyaha, tababarayaasha ama xoghaynta Ururka si ay u fududaato helitaanka ciyaartooyga xulka qaranka loo raadinayo inuu matalo.

GUDDDIGA GARSOORAYAASHA:

•  Inay la wareegaan hoggaanka garsoorka xilliyada ay socdaan tartamada cayaaraha SSIFO, iyaga oo si toos ah ula shaqaynaya guddiga farsamada.

WAKIILADA KUBADDA KOLEYGA EE SSIFO:

•  Inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada isboortiga kubadda koleyga ee ka socda meelaha ay mas'uulka ka yihiin, Amaba ay abaabulaan tartamo ciyaareed oo SSIFO ay maamusho.

•  Inay raadiyaan ciyaartooyda matali kara qaranka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ay joogaan , warbixin toos ah u soo diraan xoghaynta ururka SSIFO

WAKIILADA SSIFO EE DIASPORA:

•  In ay soo diyaariyaan barnaamijyada kubadda Koleyga ee Ururka SSIFO kaga aadan qurbaha.

•  In ay si toos ah ula xiriiraan xoghaynta ururka iyo guddoomiyaha tababarayaasha.

MEDIAHA URURKA SSIFO:

•  Inay baahiyaan waxqabadka ururka SSIFO iyo barnaamijyada Ururka.

•  Inay diyaariyaan barnaamijyo wacyi gelin bulsho siiba dhalinyarada.

SIYAASADDA URURKA SSIFO:

Siyaasadda ururka SSIFO waxay tahay in aanan cidna waxna loogu dhimin, oo ururku uu noqdo mid loogu adeegayo, waxna loogu qabanayo dhallaanka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba ku nool. Waxaa kale oo ay siyaasadda ururka SSIFO tahay in lala shaqeeyo cid kasta oo Soomaaliyeed oo ka shaqaynaysa horumarinta kubadda koleyga iyo in la soo saaro Jiil Soomaaliyeed oo magaca qaranka soomaaliyeed meel sare gaarsiiya.

Waxaa ururka ka reeban in uu gacan siiyo wax kasta oo u muuqan kara inuu kala dilayo ama iska horkeenayo isboortiga Soomaaliyeed.  Sidaasi darteed qof kasta oo ka mid ahaa bahdii kubadda koleyga ama shaqsi kasta oo danaynaya inuu gacan ka geysto horumarinta kubadda koleyga Soomaaliyeed oo ay ku bahoobeen ururka SSIFO. Waxaan diyaar ula nahay in aan ku soo dhaweyno si gacmo furan.

 Shabakada Ururka: www.sifo.com

 Guddoomiyaha Ururka SSIFO

Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi dheere)

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text