Spain oo qaadday Koobka Adduunka 2010
Spain oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Koobka Adduunka - World Cup 2010
Dalka Spain ayaa Hal goal iyo Eber (1-0) uga adkaaday dalka Netherlands, cayaartii finalka ee ku dhex martay Stadium-ka Soccer City ee magaalada Johannesberg, maalintii Axadda 11/7/2010.
Halkaas oo ay ku soo xirmatay cayaartii FIFA World Cup 2010, waxaana Koobka Dahabka ahi aaday Spain markii ugu horreysay.
Cayaaryahan lagu magacaabo 'Andres Iniesta' ayaa u saxiixay Spain goalka Guusha, iyadoo 4 daqiiqo oo keliyihi ka harsan tahay 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo loogu daray markii 90kii daqiiqo oo hore, midkoodna Goal dhalin waayey.
Spain hore waxay u ahayd horyaalka Europe, haddana waxay noqotay horyaalka Kubadda Cagta ee Dunida.
Kasmo Sport




