Home | Cayaaraha | England oo laga reebay World Cup 2010

England oo laga reebay World Cup 2010

image Guuli isma qariso 'Kooxda Germany'

Kooxdii England oo guuldaro la markiyey iyo Germany oo u gudbutay wareegga 'Quarter Final'

Halkaas oo England laga dhaliyey 4-goal, iyaduna dhalisay hal Goal oo keliya, waxaana dadka ka faallooda cayaarha ku tilmaameen cyaartii dhex martay England iyo Germany mid xusuus xun reebtay, su'aalo badanna ku furtay, sababta Kooxda England guul-darro heerkaas ah iyo cayaar xumo qaabkaas ah ay ugu dhacday?

Argentina ayaa iyaduna guul darro xumbaarisay Kooxdii Mexico, ka dib  markii 3-1 hal looga adkaaday Mexico, cayaar xiiso badan oo dhex martay labada kooxoo. In kastoo xulka Meico laga adkaaday, haddana run ahaan labada kooxood waxay soo bandhigeen xarfad iyo cayaar wanaag, heerkeedu sarreeyey.

Sidaas darteed, ilaa hadda dalalka heerka Quarter Final u soo gudbay, waxay kala yihiin dalalka Argentina, Uruguay, Ghana iyo Germany, iyadoo Kooxda keliya oo Afrikaan ah oo World Cup 2010 soo gaartay Quarter Final ay tahay Kooxda Ghana oo 2-1 kaga soo adkaatay Kooxdii USA.

Dalalka iyagu waqti horeba boorsooyinkooda sii xirxirtay, oo guuldarraystay, waxaa ku jira kooxihii Talyaaniga iyo Fransiiska, iyadoo Kooxdii England-na galabta la soo raaciyey, waxayna u muuqataa in Koobka Adduunku sannadka u sii janjeero xagga Laatiin America. Laakiin weli cayaari kow ma joogto!.

Kasmo Sport

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text