World Cup 2010 iyo cayaarihii 13ka June
World Cup 2010 iyo cayaarihii 13ka June
Ghana oo ka adkaatay Serbia iyo Germany oo legdootay Australia
Slovania oo hal Gool kaga adkaatay Aljeria, laakiin Ghana ayaa u soo gudday markii ay hal iyo ebar dirtay dalka Serbia. Ghana waxay noqotay dalkii ugu horreeyey oo Afrikaan ah oo cayaaraha 2010 guul gaaray.
Laakiin, Kooxda dalka Germany ayaa masiibo ku dhigtay Kooxdii Australia, oo iska horimaadkii dhacay, looga adkaay 4-0. Halkaas oo Germany ku noqotay dalka ilaa hadda ugu goolal dhalin batay cayaarta oo gashay maalintii 3aad.
Kasmo Online, London (UK)




