Home | Cayaaraha | England iyo USA oo midba 'hal gool' laga dhaliyey

England iyo USA oo midba 'hal gool' laga dhaliyey

image Goolhaye Robert Green iyo Kubaddii oo sii socota..

Kooxda England waxaa laga sugayaa in ay Koobka Adduunka ee World Cup 2010 - London noogu keento.

Cayaartii dhex martay -12kii Juun - kooxaha England iyo USA ayaa waxaa hanjab weyn la kulmay Kooxda England, inkastoo cayaartu ku dhamaatay barbar-dhac 1-1.

Kooxda England waxay halkaas kala gaddoontay niyad jab, iyadoo saadaashii, in goolal badan laga dhalin doono kooxda USA ay meesha ka baxday, laguna kala tegay hal iyo hal (1:1). Waxaa cayaartu ka dhacday Garoonka weyn ee magaalada Rustenburg, waxaana la filayey in Kooxda England ay jab weyn ku markin doonto Kooxda USA, waxaana rejadaasi sii xoogaysatay markii daqiiqaddii 3aad, uu Steven Gerrard Kooxda England u dhaliyey gool uu si wacan u agaasimay.

Kooxda USA ayaa dhalisay Gool bar-bar dhaca, daqiiqaddii 40aad, kadib markii ciyaaryahan u ciyaara 'kooxda Fulham' waa Clinton Dempsey, kubbad uu ku laaday goolka England, ay si nasiib darro ah uga fagatay gacanta gool-hayaha England Robert Green (Arag sawirka: kubaddii oo ku sii socota shabaqa England).

Sidaas ayaa cayaartii ku dhamaatay, iyadoo taageeroyaal badan oo reer England ah ayaa goobta kala gaddoomay hanjab ku yimid filashadii, in kooxdoodu jab u xambaarin doonaan Kooxda dalka Maraykanka.

Laakiin cayaari waa gelin dambe, tartanka World Cup 2010-na hadda ayuu bilowday. Kooxda Englandna waxaa laga sugayaa in ay Koobka Kubadda Cagta Adduunka halkan -London noogu keento.

C/qaadir Shire, London (UK)

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text