Furitaankii World Cup 2010
Keynaan iyo heesta ‘Wavin Flag’ oo kor u qaaday sharaftii Calanka Soomaaliya
Keynaan iyo Cayaaraha Koobka Adduunka
Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Keynaan Cabdi Warsame ayaa ka mid fanaaniinta sanadkaan loogu soo xulay inay ka heesaan furitaanka Cayaaraha Aduunka (World Cup 2010) oo maanta si rasmi ah uga furmey dalka South Africa, isagoo kaga qayb-gelaya heesta caanka ka noqotay ee ‘’Waves Flag’’.
Keynaan isagoo lulaya calankii ummadda Soomaaliyeed wuxuu ka soo dhex muuqday Televisionada caalamka, xaflada furitaanka koobka Aduunka oo habeenimadii xaleyto(10/JUNE) lagu qabtay garoon weyn oo ku yaal xaafada Suweto dalka Koonfur Afrika, wuxuuna markale ka soo dhex muuqdey gudaha garoonka isaga iyo heesta Waves Flag.
Waxay ahayd habeen taariikhi ah oo dunida dacaladeeda si toos ah ugu daawanayey Keynaan oo sita calankii Soomaaliya oo ku luuqaynaya heesta Waves Flag, iyadoo dadkii meesha buux dhaafiyayna ay lulayeen calamada dalalkooda iyagoo ay ka muuqatey farxad iyo sida ay ula dhacsan yihiin fanaanka Keynaan iyo weliba heesta qiirada leh.
Goobta oo dhan waxaa si weyn uga soo muuqanayay durbaano waaweyn iyo speakero midabkoodu yahay calanka dalka Soomaaliya, taasoo soo jiidatey indhaha dadkii daawanayay heesta iyo Soomaalida ku nool dunida dacaladeeda oo ay saamayn weyn ku yeelatey, kadib markii ay arkeen sida dhiiranaanta iyo wadaniyada ka muuqato ee wiil Soomaaliyeed, isaga calankiisa ‘Buluugga ah’ fagaarahaas u qabsadeen.
Keynaan Cabdi Warsame, Calankii Soomaaliyeed ee lagu xoorey dhulka ayuu ka soo dhex qaaday boorka ’busta’, isla markaana si qurux badan oo kalsooni ka buuxdo ayuu dunida u tusay in Soomaaliya ay weli jirto.
Boqolaal kun oo Soomaali ah oo isticmaala (Facebook) ayaa halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay arkeen calankii dalkooda oo markale ka soo dhaxmuuqday fagaarayaasha caalamka, isla markaana si weyn u taageersan yihiin fanaanka da’yar.
Balse aqristoow ogow waxaa jira weli kuwa ay ku weyn tahay Soomaalinimada sida Keynaan oo kale, kaasoo muujiyay sida uu uga duwan yahay fanaaniinta Soomaaliyeed qaar badan oo ka mid ah, kuwasoo qaarkood wax ku soo noqday hobaladii Qaranka (Waabari) hadane mar kasta ku dhaqaaqa falal lagu kale qaybinayo dhulka Soomaaliya ee muqadaska ah, iyagoo beeso ka doorbiday sharaftii iyo wadiniyadii.
Waa inay ku daydaan fanaanta Soomaaliyeed Keynaan, waayo waa geesi fanaan halyeey u soo baxay Soomaaliya, balse waxaa nasiib xumo ah kuwa fanaaniinta isku sheegaya ee markasta calamada (Qabiil-land) mooro Qabiileedka iyo xafladaha taariikhda madoow ee dalka lagu kale jarayo ka heesaya ee aan ku aragno London.
Qormadayda waxaan ku soo gabagabaynayaa Halyeey Keynaan waa geesi wadani ah oo muujiyay wax ka duwan Soomaalida maanta aynaan ku arag, jiilka cusubna tusaale wanaagsan u ah.
Sida wiil yar oo Soomaali ah, kuna dhashay Qurbaha weligiis aan arkin dalka Soomaaliya, ayaa iga sheekeeyay sida ugu faraxsan yahay fanaanka Keynaan. Wuxuu yiri: “Waxaan ku soo dhex arkay maanta Treinka saddex gabdhood oo Jamacan ah oo ‘Waves Flag’ ku heesaya.
Maanta ka hor Somali dhalinyaradeeda Qurbaha joogta waxay ku dayan jireen fanaaniinta kale ee Madoowga ah, laakinse maanta in aan arko dadkii aan ku dayan jirnay oo Keynaan Cabdi Warsame ku dayanaya, waa maalin farxadeed’ ayuu yiri Ahmed Ibraahim.
Keynaan waxaan u rajaynayaa guul iyo horumar.
W/D: Yusuf Yusuf