Qaranimada Soomaaliya oo halis ku jirta iyo Kooxda Calanka Madow
Dhowaan magaalada Jabuuti, dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda waxay kala saiixdeen heshiis lagu joojinayo collaada, dalkana lagu badbaadinayo.
Heshiiskan oo ayey Qaramada Midoobey waday ayey ku dooneysaa in xal nabadeed loo helo dagaalada iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka joogtada ah ee u dhaxeeya dowlada Federaalka KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Xubnihii labada dhinac ee heshiiska sixiixay ayaa carabka ku adkeeyey sida uu waqtigan heshiisku muhiim u yahay, marka la eego waxa ku dhacay shacabka Soomaaliyeed ee deggan koofurta Soomaaliya, waxaana muuqatay in ay isku aragti ka ahaayeen waxa ka dhacayey wadanka iyo xaalka wadanka halka uu marayo, arrinkaasi oo aad loo soo dhoweeyey looguna farxay.
Hase ahaatee waxaa soo kordhaya weerarada ay qaadayaan kooxaha ka soo horjeeda dowlada ee calanka madow wata Alshabab, kuwaasoo qabsaday magaalooyin badan kuna dhawaaqay maamul Islaami ah, arrintaasi oo loo arki karo in aanay qeyb ka ahayn heshiiskii la sixiixay ama in ay ka goan tahay jabintiisa. Arrintan oo dib u soo xusuusisay dad badan markii dhamaadkii sanadkii 2006 ay ciidamada Ethiopia soo galeen Soomaaliya markaas oo ay weerarada kooxaha Islaamiyiintu aad u badnaayeen dowladana lagu soo uruuriyey Baydhabo.
Waqtigaas waxay arrintu ku wanaagsaneyd in kooxuhu ku ekaadaan dhulkii ay qabsadeen sida Muqdishu oo aad looga taageeray aadna loo soo dhoweeyey, dowladana faraha ka qaadaan oo Baydhabadeeda u daayaan, ama heshiis la gaaraan, oo sababna aysan u noqon in dalka cadow shisheeye soo galo, illeen dowladu haddii ay nafteeda u yaabto waxaa loo ogol yahay in ay ciidan shisheeye dalbato.
Waxayse arrintu ku danbeysay in kooxahaasi ay ku adkeysteen in ay dowlada burburiyaan, iyagoo kaabiga u soo fariistay Baydhabo, waase la jabiyey, muddo aad u yarna dhamaan dhulkii ay haysteen lagala wareegay, dhib fara badana soo gaaray ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, cir iyo dhulna la iska duqeeyey, madax banaanida Soomaaliyana meel lagu sheegi waayo.
Weeraradadii u danbeeyey ee ay kooxaha ka soo horjeeda dowladu ku qabsadeen Kismaayo, Dhoobley, Waajid iyo meelo kale, waxaana muuqata in mar kale dowladu ciriiri gashay. Waxaana xaalku taagan yahay in madaxtooyada Xamar iyo tan Baydhababa la weeraro labadaas meelood oo ah halkii ugu danbeeyey ee dowladu Fadhisay.
Waxaa muuqata oo la sugayaa laba arrimood midkood:-
Tan Koowaad: In ay imaan doonto in ciidan shisheeye uusan mar danbe dowlada taageerin halkaasna ay kooxaha Islaamigu la wareegaan wadanka.
Tan Labaad: In Ciidan shisheeye oo ay Ethiopia u horeyso mar kale soo gali doono dalka, dhib ka daran kii dhacyna ama taagana dhici doono, Soomaaliyana si buuxda faraha uga bixi doonto, Tan danbe ayaana loo badinayaa.
Waxaa haboon in la dhowro heshiisyada la sixiixay, bulshada caalamkana aan la jaah wareerin, Soomaaliyana si run ah loo difaaco qaranimadeeda ee aan laga shaqeyn in ay faraha ka baxdo. Waxaana lagu ilaalin kara Qaranimada Soomaaliya iyadoo heshiisyada la dhowro, colaadahana degdeg loo joojiyo dhan kasta.
Abdirizak Mohamed Diriye
Nairobi, Kenya




