Home | Bogga Hore | “Weerarkii Hargeysa waxaa soo abaabulay kuwo neceb jiritaanka Soomaaliland” Dualle wasiirka arrimaha dibeda S/land

“Weerarkii Hargeysa waxaa soo abaabulay kuwo neceb jiritaanka Soomaaliland” Dualle wasiirka arrimaha dibeda S/land

image Abdulahi Mohamed Dualle, Wasiirka Arr. Dibeda S/Land

Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliland Abdulahi Maxamed Ducaalle ayaa sheegay in weerarkii is qarxinta ahaa ee Hargeysa lagu qaaday ay soo abaabulleen kuwo neceb jiritaan Soomaaliland

Wasiirka ayaa ballan qaadaya in cidii uu soo galo raadkana talaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gobo muhiim ahaa kaasoo lagu doonayey in Soomaaliland lagu qaawiyo, balse waanu ka kabanay ayuu yiri isagoo u mahad celiyey shacabka Soomaaliland sida weyn ee ay dareenkooda u muujiyeen gudo iyo dibedba.

 

Sidoo kalena waxaa wasiirku u mahad celiyey Dowlada Jabuuti o uu sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gheele mudo yar ka dib markii weerarku dhacay uu la soo xiriiray Daahir Riyaale Kaahin ugana tacsiyeeyay mashaqada dhacday isla markaana cambaareyn kulul u jeediyey kuwa ka danbeeyey weerarkana, isagoo intaa ku daray in illaa iyo iminkana dadkii reer Soomaaliland ee ku dhaawacmay weerarka lagu daweynayo Jabuuti.

 Wasiirka wuxuu sidoo kale u Mahad celiyey dhamaan wadamadii cambaareeyey weerarka foosha xun sida USA, UK, Norway, Sweden, France, Midowga Afrika, EU, iyo Jaamacada Carabta.  Abdirizak M DiriyeNairobi, Kenya

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text